Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaaa maanta furay kulan aqoon is weydaarsi ku saabsan Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya.
Aqoon is-weydaarsigan oo soconaya muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyey ahmiyada ay leedahay in siyaasada dalka laga heshiiyo, taas oo uu ku tilmaamay tiir udub dhexaad u ah dowladnimada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale arrin lagama maarmaan ah ku tilmaamay in dowladda looga baahan yahay in ay isku soo dhaweyso bulshada si ay dhinac walba oo nolosha ah isaga kaashadaan.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda soomaaliay xamse Cabdi Barre oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wax badan ay u qabsoontay xukuumadiisa mudadadii ay jirtay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii bogaadiyey dadaalka uu Madaxweynaha ku bixiyey dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, isagoo ku baaqay in la de dejiyo dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo cudud leh.