(Hortabin Media)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xabsiga u taxaabay ilaa 4 Injineer, kuwaas oo sida la sheegay dhisay, dhismihii shalay soo dumay ee dhaliyey khasaaraha dhimasho iyo midka hantiyeed.
Af-hayeenka Maamulka Gobolka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan ay ku xiran yihiin saldhiga degmada Howl-wadaag oo ah halka ay mashaqadu ka dhacday.
Wuxuu Af-hayeenku ka tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, wuxuuna ku tilmaamay mid ku yimid masuuliyad darro, isagoo hoosta ka xariiqay in lala xisaabtami doono Injineeradan.
Af-hayeenka ayaa carabka ku dhuftay in maamulka Gobolka uu soo saarayo habraacyo iyo hannaan la doonayo in ay maraan Injineerada dhisaya guryaha, taas oo sida uu xusay looga gaashaamanayo khatar u dhiganta midii shalay ka dhacday degmada Howl-wadaag.
Shalay ayey ahayd markii ugu yaraan 3 qof ay ku geeriyoodeen, kadib markii ay dumeen laba dabaq oo midi ahaa 9 biyaano, halka kan kalena uu ahaa 4 biyaano, oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.
WQ:Ayaanle Qoyste