Cabasho xooggan ayey waqtigan muujinayaan maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo aanan taageero ka hein dowladda dhexe.
Waxey sheegeen in aysan heysan adeegyadii fududeyn lahaa hannaanka dowladnimada, taas oo caqabad ku ah nolosha dadka deegaanka.
Maamulka ayaa dowladda dhexe ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loola soo gaaro adeegyadii dowladnimo ee muhiimka u ahaa bulshada degmadaasi ku nool.
Jalalaqsi waxa ay ka mid tahay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Hirshabelle, waana mid ka mid ah maamullada ugu dhaqaalaha yar dalka, kaas oo qaar ka mid ah deegaanadiisa dhawaan laga xoreeyey Al Shabaab.