Doonista Maraykanka ee jasiiradda qaniga ah ee Greenland, iyo Qafaalashadii madaxweynaha Fanisweela, waxa ay dunida u ibo-fureysaa in sannadka cusubi noqon doono mid hawaalahiisa wata. Culimada siyaasadduna waxa ay ku tilmaameen “Jar iska xoor-nimo weyn”. Haddaba waa maxay ujeeddada, damaca, iyo doonista Maraykanka ee Jasiiraddani? Waxa kale oo aynu eegi inta uu soo jirey doonista Maraykanka ee ku aaddan Jasiiraddan? Sooyaalkeeda, iyo xidhiidhka ka dhaxeeya dawladdaha reer Galbeedka, gaar ahaan gacan-ku-haynta waddanka Danmarika. Waxa kale oo aynu eego doonnaa waxyaabaha ay hodanka ku tahay jasiiraddani, iyo adduunka halka ay kaga taallo.
Greenland waxa ay dhacdaa cidhifka waqooyi ee adduunka, waxaaney u dhaxeysaa labada qaaradood ee Waqooyiga Ameerika iyo Yurub. Sidoo kale waxa ay u dhaxeysaa labada baddood ee waaweyn ee Atlantiga iyo Artiga. Waa jasiirradda ugu weyn adduunka ee la ogyahay, waxaana ku wareegsan baraf buuro noqday oo aan muddooyin badan milmin, haddase ku dhaw inuu milmo doorsoonka cimillada awgeed. Barafka milmaya waxa uu keenay in Jasiiradda laga helo macdanno badan oo adduunka dhif iyo naadir ka ah, oo loo adeegsado dhinaca Tiknoolajiyadda iyo difaaca ciidanka.
Jasiiraddu Waxa ay ka kooban tahay dhawr magaalo oo yar yar, wax waddo ah oo isku xidhaana ma laha, waxa ay badi dadku adeegsadaan doomo, dayuurrado, iyo gaadhi-Ay ay caan ku yihiin. Waa jasiirad madax-banaan oo afti dadweyne oo la qaadey sannadkii 2008-ka ay baddiba dadka asal ahaan ka soo jeedda qoomiyadda INUIT ay go’aansadeen iney ka madax bannaanaadaan Waddanka Denmark, oo maamula arrimaha amniga, iyo siyaasadda ee Jasiiradda, maaddaama oo dhaqaale badan ay ku bixiyaan adeegyo badan oo ay ka midyihiin caafimaadka iyo arrimaha bulshada, sidaas oo ay tahay haddana Jasiiraddu waxa ay leedahay nidaam maamul oo hoose oo dhammeystiran.
Caasimadda Greenland waaa NUUK, waxaana deggan dadweyne lagu qiyaaso ilaa 57,000 oo qof. Waxa ay ku hadlaan afka Greenladis-ka ama loo yaqanno KALAALLISUT. Dadka deggan Jasiirraddani waa dad xaddaarad dheer leh, oo muddooyin badan soo jiray. Waxa ay xidhiidh dheer la leeyihiin waddamo badan oo ay ugu horreyso Kanada, Maraykanka, Raashiya, Noorway iyo Danmaarik oo muddo badan gacanta ku haysay boqorkeeduna ka taliyo.
Greenland muddo dheer oo fog ayey ku taamayeen Maraykanku inay helaan, iyaga oo marar badan iib ku baadi-goobey. Waxase aad loo xasuustaa Madaxweynihii Mareykanka ee Harry Turman (1945 ilaa 1953) oo isku day weyn oo lacag badan dul dhigey kuna baayacay Jasiiraddan sannadkii 1946-kii. Sidoo kale muddo xileedkii hore ee Madaxweynaha hadda ee Donald Trump ayaa ku celceliyey inuu geed-dheer iyo mid-gaabanba u fuuli doono hanashada Jasiiraddan. Hadalladaasi hore ee Madaxeyne Trump waxa xigay kuwa cusub oo dhawaan uu si badheedh ah ugu goodiyey in xoog ama xeelad kay tahay-ba ay doonayaan Jasiiraddan. Haddaba waxa isweydiin leh maxay faa’iido ugu fadhidaa, waa maxay sababta uu sidaa weyn u daneynaayo Mareykanku Jasiiraddan?
Greenland waxa uu Maraykanku ku leeyahay saldhig Milatari. Saldhiggaasi oo la yidhaahdo PITUFFIK, markii horena loo yaaqaaney THULE AIR BASE. Waxa ku rakiban raadaarrada sheega gantaallada riddada dheer, sidoo kale waxa lagu rakibay qalab fududeynaaya la socodka badda iyo hawada ee uu Ruushku ka wado marinkan. Joogista Maraykanka ee Jasiiraddani waa mid ku qotonta aragti siyaasadeed oo gundheer oo xagga amniga ah.
Sidoo kale, waa meel Istaraatiiji ah oo isku xidha Maraykanka iyo Yurub, Waa meel si fudud ay ugala socon karaan Maraykanka iyo xulafadiisu dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan Ruushka iyo Shiinuhu aaggan oo muddooyinkan dambe aad u sii xoogaystay.
Sidoo kale waa Jasiirad qani ku ah macdanno badan oo ay baahi badan u qabo Maraykanku taas oo sii xoojinaysa damaciisa ku jihaysan Greenland. Waxa ugu mudan macdanahaasi kuwa lagu farsameeyo hubka casriga ah iyo tiknoolajiyadda ee adduunka maanta lagu hirdamo. Haddii Maraykanku helaan macdanahaasi waxa ay kaga maarmi karaan ku tiirsanaan badan oo dhinaca Shiinaha ah. Dhanka kale waa Jasiirad haddii ay fursad u helaan Ruushka iyo Shiinuhu ay si fudud khatar amni ugu gelin karaan Maraykanka. Badda Artika-gu waxa ay marin muhiim ah u noqotay isku-socodka ganacsi, iyo Milatari ee Ruushka iyo Shiinaha, taasi ayaana cabsi badan ku furtay Madaxweyne Trump.
Booqashadii bishii saddexaad ee sannadkii 2025 uu ku tagay Greenland Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, iyo booqashii maalmo ka dib wiilka Madaxweynuhu ku tagay, waxa ay si cad u qeexaysay daneynta iyo damaca madaxweyne Trump ee inuu hantiyo sannadka cusub ee 2026 jasiiraddan, taasi oo ibo-fur u noqon doonta kacdoon siyaasi oo uu wejihi doono Trump.
Damaca iyo doonista Maraykanka ee jasiiraddani wali waa mid taagan oo jar-iska-xoornimo ah. Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweyne Trump uu u magacaabay ergey gaar ah, oo sheegey in shaqadiisu tahay “Helidda Jasiiradan”. Waxa kale oo iyaduna layaab noqotey inuu ballanqaadey Wasiirka Arrimaha dibeddu Mr. Marco Rubia inuu dhawaan la kulmi doono madaxda Denmarka oo uu arrintan kala hadlaayo sidii ay u heli lahaayeen Jasiiraddan.
Dhanka kale damacan Maraykanku waxa uu cadho geliyey Dhanmaak oo boqortooyadeedu Jasiiradda ka taliso waxaanay marar badan ku doodday in aaney Iib ahayn Jasiiraddani. Labada waddan waxa ay ku wada jiraan ururka NATO. Waxaaney noqoneysaa abid markii u horreysay ee laba waddan oo kuwada jira heshiis dhinaca Milatariga ahi ay isku legdi donaan gollaha NATO. Arrintani waxa ay hal-xidhaale furdaamin u baahan ku tahay madaxda ururka NATO.
Guntii iyo gunnaanadkii waxa ay saadaalinayaan culimada siyaasaddu in damaca Maraykanku guuleysan doono, maaddaama uu u balanqaadey in dhaqaale badan uu ku maalgalin doono Jasiiraddan, sidoo kalena ay heli doonaan damaannad qaad amni oo buuxa, waxaana muuqata haddii kaadhadhka u Trump ciyaarayo ay suuroobaan in uu Maraykanku gacanta ku dhigo Jasiiraddan oo uu in badan ku taamyey hanashadeeda. Haddii ay saadaashaasi rumowdo waxa faa’iido qaba Maraykan oo helay goob amnigiisa, iyo dhaqaalihiisa wax weyn ku biirinaysa. Sidoo kale, waxa ay noqon doontaa bilawga burburka ururka caalamiga ah ee NATO oo muddooyinkan dambe wayddiimo badani dul hoganayeen mustaqbalkiisa siyaasadeed, ka dib markii ay ku guuldareysteen furdaaminta arrinta Yukreyn.
