Labo ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta ah ayaa lagu dilay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye, waxaana gacanta lagu dhigay 13-kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, sida saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka.
Maleeshiyaadkaan Khawaarijta ah ayaa isku dayay inay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay uga furtaan waxa ay wataan.
Ciidanka ammaanka oo ka war helay isku dayga cadowga khawaarijta ah ayaa weerar qorshaysan ku soo afjaray isku daygii boob ee kooxdaan.
Goor dhow la soco faah-faahin dheeraad ah.