Cabsi aad u baahsan ayaa maanta laga dareemaya gudaha magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, sida qaar ka mid ah shacabka halkaasi ku nool ay u sheegeen warbaahinta maxaliga ee ka howlgasha Muqdisho.
Cabsida Shacabka ay muujinayaan ayaa imaaneysa xilli Laamaha amniga Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay ka digeen qaraxyo ka dhici kara magaalada, taas oo keentay cabsida.
Laamaha amniga ayaa sheegay in qaraxyadan ay qorsheynayan in ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab, waxaana macquul ah sida ay yidhaahdeen in ay dhacaan 48-ka saac ee ina soo aaddan.
Sida ay inala wadaageen saraakiisha amniga waxaa heegan buuxa la galiyey ciidamada ka howlgala magaaladaasi, iyadoo si aad ah loo adkeeyey amniga, waana tallaabo looga hortagayo qaraxyadan laga cabsida qabo.
Saraakiisha amniga ayaa bulshada ku wargaliyey in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, waxaana saraakiishu ay sheegeen in ay heleen xogaha la xiriira qaraxyadan, isla markaana loo baahan yahay sidii looga hortagi lahaa.
Baladweyne waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo khasaare ba’an geystay, kuwaas oo ay masuuliyadooda sheegteen Al Shabaab, waxaase xusid mudan in iminka magaalada ay ka jirto kala aragti duwanaan siyaasadeed, taas oo amni darada kordhin karta.