Mustaqbalka joogitaanka kooxda PSG ee ciyaaryahanka xulka Faransiiska Kylian Mbappé, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey shaki la galinayey, maaddaama xidigu aanu weli saxiixin wax heshiis ah.
Heshiiskiisa oo dhacaya ayaa wal wal ku abuuray kooxda PSG, waxaana taasi ay qasabtay in Madaxweynaha kooxdaasi uu la hadlo warbaahinta.
Nasser Al Khelaifi, Madaxweynaha PSG, ayaa sheegay in ay doonayaan in Mbappé uu joogo PSG, isagoo intaasi raaciyey in uusan si xor ah uga tagi doonin kooxdooda haddii uu go’aansado inuu baxo.
Qandaraaska uu xidiga PSG kula joogo ayaa ku eg sanadka 2024, waana sababta cabsida badan galisay PSG, oo doonaya haddii uu baxayo in ay ka bixiyaan lacag fiican.
Al Khelaifi oo hadlayey ayaa yiri” Macquul ma ahan in xidiga ugu fiican adduunka uu inooga tago si xor ah, waxaan u sheegnay inuu go’aankiisa inoo sheego”
PSG ayaa la filayaa in muddo labo toddobaad ku siman uu ku gaaro go’aan rasmi ah oo la xiriira mustaqbalkiisa, waxaana kooxaha daneynaya ka mid ah naadiga Real Madrid.