Waxaa galabta ilaa caawa la ciyaaray kulamo aad u adag oo ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League, waxaana hoggaanka horyaalka ku fariisatay kooxda Arsenal, kadib bar bar dhac ay galeen kooxaha Liverpool iyo Man City oo iyadu hoggaanka heysay toddobaadyadii ugu danbeeysay.
Ciyaar aad u xiiso badneyd oo ka dhacay garoonka kooxda kubadda cagta ee Man City, ayaa waxaa isaga horyimid City iyo Liverpool, waxanaa kulanka uu ku soo idlaaday bareejo 1-1- ah.
Kooxda City oo goolka la hormartay ayaa waxaa u saxiixay weeraryahankooda reer Norway, Erling Haaland, kaas oo dhaliyey goolkiisii 50-aad ee horyaalka Ingiriiska.
Liverpool oo laga gacan sareeyey ayaa goolka bareejada heshay dhamaadkii ciyaarta, gaar ahaan daqiiqadii 80-aad waxaana u dhaliyey daafaca Ingiriiska u dhashay ee Trent Alexander-Arnold.
Fursadaas bareejada ah waxaa ka faa’iideysatay kooxda Arsenal, oo iyada guul dirqi ah ka gaartay naadiga Brentford, waxaana Gunners ay heshay goolka guusha daqiiqadii ciyaarta ugu danbeysay ee 89-aad, iyadoo uu u saxiixay wiilka reer Jarmal ee Kai Havertz, kaas oo daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta baddel ku soo galay.
Waxaa sidoo kale dhacay kulan ciyaareed xiiso badan, kaas oo dhex maray kooxaha Newcastle United iyo Chelsea, waxaana 4-1 looga awood roonaaday naadiga Blues, taas oo kabtankeeda Reece James uu qaatay kaarka casaanka, daqaqiiqadii 73-aad ee ciyaarta, kadib labbo jaalle oo is biirsaday.
Si kastaba hoggaanka horyaalka waxaa iminka heysa Kooxda Arsenal, taas oo hal dhibic ka sareysa Man City, waxaana Gunners ay leedahay 30 dhibcood, halka City oo ku xigta ay leedahay 29, iyadoo kaalinta 3-aad ay ku jirto Liverpool oo leh 28 dhicbood.