Waxaa xalay soo gabagaboobay wareega 16-ka ee Champions League, waxaana jira kooxo awood badan oo usoo gudbay wareega 8-dhamaad koobka kooxaha Yurub.
Kulamada 8-dhamaadka oo ah kuwo xiiso badan ayaa waxaa isku arki doono qaar ka mid ah kooxaha ugu awooda badan qaarada Yurub.
Kooxaha 8-da ah ee soo baxay ayaa kala ah, Man City, Real Madrid, Bayern Munich, PSG, Arsenal, Dortmond, Athletico Madrid, Barcelona.
Kulankii ugu danbeeyey oo ahaa mid xiiso leh ayaa dhex maray Athletico Madrid iyo Inter Milan, waxaana rigoorayaal ku soo baxday Athletico Madrid, oo noqotay kooxdii seddexaad ee Spanish ah oo soo gaartay wareega 8-dhamaadka.
Isku aadka wareega 8-da ayaa Jimcaha dhici doona, waxaana labada lug ee kulmada 8-dhamaadka la ciyaari doonaa 9/10 bisha April iyo 16/17 April ee sanadkan.
Kulamada harsan ee Champions League ayaa noqon doona kuwo aad u xiiso badan, waxaana kooxaha ay u hanqal taagayaan ku guuleysiga koobkan oo Finalkiisa bisha June lagu qaban doobo Garoonka Wembley ee dalka Ingiriiska.