waxaa xalay soo idlaaday wareega 16-ka ee koobabka kooxaha qaarada yurub ee kala ah Europa League iyo Conference League, waxaana koobkiiba isugu soo hara 8-kooxood, taas oo tartamadan xiiso gaar ah u yeeleysa.
Koobka Europa League kooxaha isugu soo haray ayaa isku arki doona sida tana: Tottenham Hotspur vs Eintracht Frankfurt, Lyon vs Manchester United, Bodø/Glimt vs Lazio, Rangers vs Athletic Bilbao.
Kulanka Finalka ee koobka Europa League ayaa qabsoomi doona taariikhdu marka ay tahay 21-Bisha May ee sanadkan, waxana lagu ciyaari doonaa garoonka San Mamés Stadium ee magaalada Bilbao, ee dalka Spain.
Sidoo kale koobka Conference League kooxaha isugu soo haray ayaa sidan iyagana isku arki doona: Real Betis vs Jagiellonia Bialystok, Celje vs Fiorentina, Chelsea vs Legia Warsaw, Djurgarden vs Rapid Wien.
Finalka koobka Conference League ayaa dhici doona 28-ka Bisha May ee inagu soo wajahan, waxaana lagu ciyaari doonaa Wroclaw Stadium ee dalka Poland.