Ma maqashay waligaa waxa loo yaqaan “roob madow”? Dhawaan, qaar ka mid ah dadka ku nool Iran ayaa sheegay roob la mid ah kaas, arrintaasna waxay dhalisay dood ballaaran oo ku saabsan roobkan madow. Marka, waa maxay roobkan, inteese la egtahay khatartiisa?
Kaddib weerarradii ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran ee bilowday 28-kii Febraayo, waxaa la xaqiijiyay in la weeraray ugu yaraan afar xarumood oo saliid ah oo ku yaal agagaarka caasimadda Tehran.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in hawo wasakheysan iyo ceeryaamo awgeed aan qaybo ka mid ah magaalada qorraxda la arkeynin, isla markaana la dareemayo ur xooggan oo ah sida in wax gubanayaan ah.
Khubaradu waxay ka digeen in walxaha wasakhda ah ay si weyn u kordheen. Xitaa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ka digtay in weerarrada lagu qaaday xarumaha saliidda ay halis weyn oo caafimaad ku keeni karaan dadka deegaanka.
Hawada magaalada Tehran iyo hareeraheeda waa mid aad wasakh u ah. Tehran waxaa ku nool ku dhowaad 10 milyan oo qof, halka malaayiin kale ay ku nool yihiin meelaha ku xeeran.
Waxaa sidoo kale suurtagal ah in qaar ka mid ah walxaha waaweyn ee wasakhaysan ay hawada ka soo dhaceen xitaa iyada oo aan roob jirin.
Sida saadaasha hawada ay sheegeyso, Tehran waxaa laga yaabaa in ay mar kale ka da’aan roobab culus iyo oo wata dabaylo xooggan maalmaha soo socda. Taas waxay ka caawin kartaa in roobku dhaqo wasakhda hawada ku jirta.
Balse tani macnaheedu ma aha in khatarta wasakhda hawada Tehran ay dhammaan doonto. Wasakhda ayaa ku dambeyn doonta wabiyada iyo ilaha biyahu ka yimaadaan.
