Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay gudaha caasimada Kenya ee Nairobi, kuwaas oo lagu diidan yahay canshuur kordhinta lagu sameeyey ganacsiyada dalkaasi.
Inta la ogyahay seddex qof ayaa ku geeriyootay dibadbaxyadaasi rabshadaha wata, waxaana ku dhaawacmay 12 ruux oo kale.
Madaxweynaha Kenya ayaa horey uga digay in la qabto dibadbaxyadaan oo ay ku baaqeen mucaaridka, waxeyna muujineysaa siyaasada kulul ee ka taagan dalkaasi.
Indhaweydba ganacsatada dalkaasi ayaa cabasho ka muuninayey canshuur kordhinta ay sameysan dowladda Kenya, taas oo sababtay in ay sare u kacdo maciishada wadankaasi.