khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxyo xalay lala beegsaday Suuqa Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxana qaraxyadani ay keeneen inuu dab qabsado Suuqa.
Xarumo badan oo ganacsi ayaa ku gubtay halkaasi, waxaana walaac xooggan muujinaya dadka rayidka ah.
Warar hoose oo ay Hortabin Media heshay ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ka danbeeyeen kooxda Al Shabaab, kuwaas oo ka soo horjeeda in xarumaha ganacsi ee Ceelasha Biyaha lagu xiro Kaamirooyinka sida qarsoon wax u duuba ee CCTV, taas oo ay dowladda Soomaaliya ganacsatada iyo dadka shacabka ah ku amartay in ay xirtaan.
Xaaladda ayaa iminka aad u kacsan, waxaana ganacsatada Ceelasha biyaha ay wajahayaan labo caqabad oo ka kala heysata dowladda dhexe iyo Al Shabaab.
Duleedka Muqdisho, waxaa weli awood muuqata ku leh kooxda Al Shabaab, kuwaas oo mararka qaar ka geysta falal lidi ku ah amniga, iyagoo xitaa soo weerara fariisimada ciidamada dowladda ee bannaanka caasimadda.