inta la xaqiijiyey 14 qof ayaa ku dhintay, halka 34 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii biriqi ay ku dhacday kaniisad ku taal degmada Lamwo ee waqooyiga dalka Uganda, sida ay booliisku sheegeen.
Afhayeenka booliiska Uganda Kituuma Rusoke ayaa sheegay in shilkani uu dhacay xilli dad badani ay ku cibaadaysanayeen gudaha kaniisaddan oo ku taalla xerada qaxootiga ee Palabek.
Xogaha ayaa tilmaamay in roob lixaad lihi uu billowday, xilli dadka keniisadda ku sugnaa ay cibaado wadareed u taagnaayeen, taas oo keentay waxyeellada baaxadda leh ee danabku sababay.
Biriqda ama danabku ayaa ku badan dalkaasi Uganda, bishii Juun ayaanay jac ama biriq ku habsatay dugsi ku yaalla degmada Nebbi ee waqooyi bare ee dalkaasi dhalisay dhaawaca in ka badan 77 arday oo ka mid ahayd arday dalkaasi.