Tirada dadka ku dhintay labo dhulgariir oo ku dhuftay Venezuela ayaa kor u dhaaftay 32 qof, waxaana halkaasi saacadihii ugu danbeeyey ka taagneyd xaalad cakiran.
Laba dhulgariir oo waaweyn oo ilbiriqsiyo gudahood isku xigay ayaa ku dhuftay caasimadda Venezuela ee Caracas kii hore wuxuu ahaa xooggiisu 7.2, kii labaadna 7.5.
Dhismayaal ayaa dumay iyadoo dadka degganaa ay waddooyinka u soo baxeen, waxaana wasiirka arrimaha gudaha uu dadka ka codsaday inay guryahooda ka baxaan.
Sidoo kale Madaxweynaha ku-meelgaadh ka ah ee Venezuela Delcy Rodríguez ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah,Iyadoo ay garab taagan yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Diosdado Cabello iyo walaalkeed Jorge Rodríguez oo ah madaxa Golaha Qaranka, waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, Waxay sidoo kale magacawday jeneraal si uu u kormeero howlaha gurmadka degdegga ah.
Rodríguez ayaa dalka si ku-meelgaadh ah u haysay tan iyo markii madaxweynihii ka horreeyay, Nicolás Maduro, ay ciidamada Mareykanka qabteen Janaayo, loona qaaday New York si loogu maxkamadeeyo eedeymo la xiriira ka ganacsiga daroogada.
Khudbadeeda waxay si gaar ah ugu baaqday midnimo shacabka Venezuela, Waxay sidoo kale tacsi u dirtay dadka ay ehelkoodu ku dhinteen dhulgariirka,
