Waxaa isi soo taraya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka qori-lugud, waxaana tirada dhimashada ee uu sababay dagaalka uu gaarayaa in ka badan 35 ruux halka dhaawacuna uu tiro beel yahay.
Dagaalkan oo u dhaxeeyey maleeshiyo beeleedyo kala taabacsan SSC Khaatumo iyo Somaliland ayaa geystay khasaare baaxad leh, waxaana macquul ah in dhimashadu ay intasi ka badato.
Sidoo kale xogo aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in maxaabiis dagaalka lagu kala qabsaday si ula kac ah loo diley, taas oo muujinaysa sida ay damqashadii iyo dareenkii xilkasnimadu meesha uga sii baxayaan.
Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa dagaalkan siyaabo kala duwan uga hadlay, ayagoo hawada isku mariyay eedaymo la xariira cidda dagaalka bilowday, waxayna isku jeediyeen hanjabaado culus oo horseedi kara abaabul iyo guluf xaaladda uga sii dari kara.
Dowladda Soomaaliya ayaa odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaas ugu baaqday inay si degdeg ah isugu taagaan joojinta dagaalkan galaaftay nolosha dadka badan, islamarkaana xaaladda la qaboojiyo.