Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay fanaanada Khadra Cumar Dhuule, oo muddo dheer ku soo jirtay fanka Soomaalida.
Fanaanada oo maalmihii ugu danbeeyey ahayd bukaan socod, ayaa saakay ku geeriyootay hoyga ay ka daganeyd Muqdisho, oo ku yaalla xaafada Ex Fiyoore.
Aaskeeda waxaa ka soo qeyb galay Fanaaniin, masuuliyiin ka tirsan dowladda, iyo qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u tacsiyeyey ehelada marxuumada.
Khadra Cumar Dhuule oo ka soo jeeda qoys faneed, oo caan ka ah gayiga Soomaalida, ayaa hore ugu luuqeysay suugaan soo jiitay dhagaha shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale maanta Muqdisho lagu aasay fanaanka Saciid Khaliif Cali, oo ku geeriyooday dhawaan dalka Jarmalka, kaas oo isna meydkiisa maanta la keenay dalka,