Dowladda Kenya oo iibsatay diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, iyaga oo sheegay in uga shaqeyn doonaan sugida Amniga deegaannada Xuduuda, ugana hortagi doonaan weerarada AS.
Hay’adda Sirdoonka Kenya ee NIS ayaa soo bandhigtay lix kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Beyrakdar, kuwaasi oo iibsatay Kenya.
“Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa dhammaystay tababar khaas ah oo la xiriira Isticmaalka diyaaradaha Bayrakdar, waxaana ay xoojin doonaan Amniga xuduudka si ay uga hortagaan weerarada AS” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay Sirdoonka Kenya.
Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Kenya heshay ayaa ku sooa adaya xilli weeraro ay AS ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalooyinka iyo deegaannada ku yaalla xuduudka dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in ay si gaar ah ugu dadaali doonaan xoojinta amniga gobolka Waqooyi Bari oo AS ay ka geystaan weeraro isugu jira toos iyo qaraxyo.
Kenya ayaa dhawaan ku biirin doonta diyaaradahan qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaano UAV-ga howlgalkeeda ciidan, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Al-Shabaab.