Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah waxa ay gayneysanaa Ismaamulka Mandheera oo laga diiwaangeliyay falal amniga liddi ku ah, ciidankaan waa Booliis caawinaya kuwa deegaanka si ay uga hortagaan weerarrada ay gaysanayaan AS.
Saraakiil katirsan Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa sheegay in arrintaan ay daba socoto kaddib markii Kooxo hubaysan ay fuliyeen weerarro ka dhan ah Dadka deegaanka iyo afduub kol hore loo gaystay mid kamid ah Gaadiidka Dowladda Hoose.
Kenya ayaa horay u sameysay howlgallo culus oo ka dhan ah Kooxahaas, Laamaha ammanka ayaa kordhiyay saldhigyada ay ku hubinayaan Gaadiidka iyo socodka ay ku marayaan waddooyinka cabsida laga muujiyay.