Ilaa 11 kalluumeysato Soomaali ah oo muddo ka ban bil lagu la’aa biyaha Badweynta Hindiya ayaa si kala gaar gaar ah todobaadkaan laga helay xeebaha dalalka Singapore, Maldeves iyo Sri Lanka.
Kalluumeysatadan ayaa dhammaantood ka baxay xeebaha magaalada Muqdisho. Xaaladdooda caafimaad iyo sidi loo helay ayaa waxaa warbaahinta uga waramay Kamal Maki Aweys oo ah Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis ee magaalada Muqdisho.
Kamaal ayaa sheegay, in raggan badda ay ku jireen wax ka badan hal bil, taas oo keliftay in ay ka go’do sahaydii ay wateen, isla markaana qaabilaan xaaladd adag.
Wuxuu intaasi ku daray Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis in ragga kalluumeysatada qaarkood la dhigay xarumo caafimaad, sababo la xiriira waqti badan ee ay badda dhex sabeynayeen.
Kamaal Maki Aweys ayaa ugu danbeyntii sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan in kalluumeysatadan a dalka dib ugu soo celiso, wuxuuna tibaaxay in dhowr jeer ay arrintan dowladdu ka taageertay iminkana ay uga fadhiyaan.