Kaluumeysata Soomaaliyeed ayaa xiiligan muujinaya cabsi aad u fara badan, kadib digniino ka soo baxay dowladda, oo ku aaddan duufanada laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan xeebaha Soomaaliya.
Kaluumeysata qaarkood ayaa shaqo joojin sameeyey sababo la xiriira cabsiga xooggan ee jirta iyo dhawaqa ka soo yeeray dowladda Soomaaliya.
Arrintan waxey saameyn ku yeelatay kalluunkii laga soo jilaaban jiray xeebaha Soomaaliya, waxaana yaraaday kalluunkii loo iib keeni jiray suuqyada Muqdisho.
Kalluumeysata Soomaaliyeed ayaa ah kuwo wajahaya xaalad adag, waxaana aad u liita qalabka ay ku shaqeeyaan, kuwaas oo aan saamixi karin in ay soo jilaabtaan kalluun ku filan dalka.