Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan markii uu soo gaaray degmada Maxaas wixii ka danbeeyey waxa ay dowladdu baddeshay qorshaheeda dagaalka, waxaana la sheegay in ay dhiira gelineyso ciidamada deeegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda kuwaasoo dib u habeyn lagu sameynayey mudooyinkii ugu danbeeyey iyadoo arrintaasina loo xil saaray hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.
Haddaba in waqtigan dhiira gelin iyo dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada deegaanka kaalin intee la eg aye ka qaadan kartaa dagaalka ka dhanka ah AL Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle?
Dr Axmed Daahir Shaafi oo bartay siyaasada iyo xiriirka caalamiga, ayaa xusay in Macawiisleyda ay door muuqda ku yeelan karaan dagaalka, sababo la xiriira in iyagu ay yihiin kuwii billaabay kacdoonka ka dhanka ah Al Shabaab.
Wasiirkii hore ee Batroolka Maxmed Muqtaar Ibraahim ayaa sheegay in ciidamada deeganku ay kaalin weyn ka qaadan karaan gacan ku heynta deegaanada laga saaro ururka AL Shabaab.
Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in ciidamada deegaanku ay dadka kale uga aqoon badan yihiin meelaha deegaanadooda ka tirsan ee ay Al Shabaab ku dhuumaaleystaan, maaddaama ay inta badan shacabka ku dhex milan yihin sida uu ku waramyo Axmed Cabdulaahi oo horey Wasiir ku xigeen uga soo noqday maamulka Galmudug.
Dagaaladi ugu danbeeyey ee lala galay Ururka Shabaab oo ay ka qeyb qaadanyeen ciidamada deegaanka ayaa waxaa laga soo hoyey guulo wax ku ool ah, waxaana Ururka lagala wareegay dhul ballaaran oo ka tirsan deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.