Sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf Jabuuti ayaa waqtigan diyaar u ah in Itoobiya ay siiso marin biyood ay Dekad ahaan u isticmaasho.
Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay siinayaan Dekada magaalada Tadjoura oo 100 KM u jirta xuduudka Itoobiya, waxana sida uu sheegay Dekaddan a leedahay waddo horay loo dhisay oo oo fududeynaya in badeecada ay la soo dageyso Itoobiya ay dalkeeda si fudud u geysato.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in waqtigan ay wal wal ka muujinayaan xiisadan oo sida uu xusay gobolka u keeni karta xasilooni darro, wuxuuna ku taliyey in xiisadan la soo afjaro Itoobiyana ay qaadato Dekadda Tadjoura
Weedhaha ka soo yeeray Jabuuti ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay qorshaha ay Itoobiya ku dooneyso mid ka mid ah marin biyoodyada Soomaaliyeed.
Si Kastaba waxaa fashil ku dhamaaday labo kulan oo ay dhinacyadu ku yeesheen Ankara, waxaana Itoobiya waqtigan ay muujineysaa walaac ballaaran, maaddaama dhawaan ciidamadeeda laga saarayo Soomaaliya, marka uu dhamaado howlgalka ATMIS, dabayaaqada sanadkan.