Dowladda Jabuuti ayaa waqtigan xusul duub ugu jirta sidii ay dib ugu soo celin lahayd xiriirka Eritrea, si loo xaliyo caqabadaha gaamuray ee labada dal dhex yaalla.
Eritrea ayaa Jabuuti ka heysata dhul iyo maxaabiis, waxaana labada dal uu khilaafkooda billaamay kal hore markaas oo ay ku isku fahmi waayeen colaad ka dhalatay sohdinta ay labada dal wadaagaan.
Iminka Jabuuti ayaa si aad ah u daneyneysa in ay soo celiso xiriirka diblomaasiyadeed ee Jabuuti, Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule.
Masuulkan ayaa carabka ku dhuftay in iminka ay diyaar u yihiin, sidii labada dal ay u yeelan lahaayeen wada hadal, kaas oo sida ay Jabuuti u aragto ah xalka keliya ee dhinacyada isku soo dhaweyn kara.
Wakiilka oo hadal ka jeediyey Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in waqtigan Jabuuti ay dooneyso in ay xog ka hesho halka ay ku sugan yihiin maxaabiista Jabuutiyaanka ah ee ay hesato Eritrea, taas oo sida uu sheegay wal wal gaar ah ku heysa Jabuuti.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax hadal ah ama jawaab ah oo ka soo yeeray Eritrea, kaas oo ay kaga fal celineyso dalabka Jabuuti, waxaana arrimahani ay bidhaaminayaan xaaladda cakiran ee uu cagaha la sii galayo Gobolka.