Hay’adda Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in ay diiday in dib u cusboonaysiinta aqoonsiga warbaahinta saddex ka mid ah wariyeyaasha Wakaaladda Wararka ee Reuters. Sidoo kale Wakaaladdan ayaa laga reebay warbaahintii ka qayb gashay Shirkii Midawga Afrika ee Addisababa ka dhacay 24-kii ilaa 25- kii Jeenawari. Go’aankan Haayadda Warbaahinta Itoobiya ee ku jihaysan Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa imanaya maalmo yar ka dib markii ay Wakaaladdu faafisay warbixin xasaasi ah oo sababtay dhaleecayn iyo dood ku aadan Xukuumadda Itoobiya.
Warbixintan ay Wakaaladdu faafisay 10-kii Feebarwari isla markaas na caddaymo ahaan u adeegsatay xogo ay ka midyihiin sawirro dayax gacmeed ayaa lagu sheegay in ay Itoobiya ogolaatay xerooyin ciidan oo sir ah oo lagu tabo baro kumannaan dagaalyahan oo taabacsan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee dagaalka kula jira Ciidamada Dawladda ee Suudaan.
Ilaa hadda ma jiro qoraal rasmi ah oo ay haayadda warbaahinta Itoobiya ku xustay sababaha ay ugu diiday aqoonsiga, waxa se jira ilo sheegaya in ay tallaabadan sabab u tahay warbixinta baadhista ah ee ay faafisay Wakaaladdu, arrintan ayaa muujinaysa heerka ay gaadhsiisantahay xasaasiyadda Xukuumadda Itoobiya ka qabta amniga qawmiga ah iyo ka hadalka doorkeeda milatari iyo amni ee gobolka gaar ahaan Suudaan.
Dhankeeda Wakaaladda wararka ee Reuters oo ka hadashay go’aanka Haayadda warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay “In ay dib u fiirinayso go’aanka ka soo baxay Haayadda isla markaas na ay sii wadi doonto doorkeeda warbaahineed ee daboolidda dhacdooyinka si ku dhisan madaxbannaani iyo dhexdhexaadnimo lagu kalsoonaan karo, isla markaas na waafaqsan maba’adiida Thomson ee Reuters”
Xagasha kale, kormeerayaal madax bannaan ayaa go’aankan Haayadda u arkay mid halis ku ah xorriyada warbaahinta Itoobiya, isla markaas na cirka ku sii shareeraya xiisadda u dhaxaysa Xukuumadda Itoobiya iyo warbaahinta shisheeye. Si kastaba, ilaa hadda masuuliyiinta xukuumadda Itoobiya ayaan soo hadal qaadin warbixinta baadhista ah ee ay faafisay Reauters taas oo ay badantahay in ay sabab u tahay go’aanka Itoobiya.
