Xilli Dowladda Soomaaliya ay ka dhawaajisay in ciidamada Itoobiya aanay qeyb ka noqon doonin howlgalka nabada ilaalinta ee AUSSOM, ayaa waxaa hadalo kala duwan soo saaraya dowladda Itoobiya.
Inkastoo itoobiya ay ka meer meereyso sharuudaha la hor dhigay, haddana waa mid isku dayeysa in ay dunida ka dhaadhiciso in joogitaankeeda Soomaaliya aan laga maarmin.
Danjire Nebiat Getachew, oo ah Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa jeediyey hadal u muuqday in qiil loo dayayo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyo ka qeyb ahaanshaha howlgalka cusub.
Danjiraha ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ku nagaanayaan, tan iyo intii ay jirto caqabada Al Shabaab, oo sida uu xusay khatar ku ah dowladnimada Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.
Hadalkan ayaa u muuqda mid aan u cuntameynin Soomaaliya oo kal hore ka biyo diiday joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dhulkeeda, waxaase arrintani lagu micneynayaa mid sii kordhineysa xiisada labada dal.
Sida la wada ogsoonyahay Itoobiya ayaa tan iyo 2007-dii qeyb ka ahayd howlgalka nabada ilaalinta ee midawga Afrika, kaas oo uu iminka waqtigiisu ku egyahay dhamaadka bisha ina soo aaddan ee December, waxaana kolkaas kadib lagu wadaa inuu billawdo howlgal la magac baxay AUSSOM, kaas oo sii wadaya taageerada Midawga Afrika ee Soomaaliya ilaa 2028, waxaana lagu bilaabayaa askar gaareysa 12-kun kuwaas oo kala kala socda dalalka Afrika.

