Itoobiya ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi, kaas oo shalay ka hadlay xiisada ka dhex oogan Soomaaliya iyo Itoobiya
Fiqi ayaa sheegay in Itoobiya ay faragelin ku heyso Soomaaliya, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay awood u leedahay in ay xiriir la yeelato jabhadaha Itoobiya ee ka soo horjeeda Xukuumadda Addis.
Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in Soomaaliya ay tallaabadaasi qaadi karto, balse wuxuu xusay in dhankooda ay doonayaan oo qura Itoobiya mid ah, oo si xasiloon ku joogta geeska Afrika.
hadalka Fiqi waxaa ka jawaabay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Nibyu Tesla oo weedhaha Fiqi ku tilmaamay in ay yihiin kuwo lagu qoslo, isagoo intaasi ku daray in Soomaaliya aanay awoodaasi lahayn.
Ninkan ayaa dowladda Soomaaliya ku sheegay in ay ka taliso oo qura Muqdisho, wuxuuna duray qaranimada Soomaaliya oo uu ku sifeeyey in aysan waqtigan cago badan ku taagneyn.
Hadalka ayaa u muuqda mid dhinacyada sii kala fogeynaya, waxaana Itoobiya weli ay ku adkeysaneysaa damaceedii ahaa in ay si xoog ah ku hesho qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.