Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay Ethiopia ka sugayso jawaab ku aadan deked ay Jabuuti ku yaboohday inay Ethiopia isticmaasho si loo yareeyo xiisadda ka dhex-jirta Soomaaliya iyo Ethiopia.
Jabuuti ayaa bilowgii bishan ku dhawaaqday inay Ethiopia siinayso dekedda dhinaca waqooyi ee Tajuura. Jabuuti ayaa aaminsan in isticmaalka dekedda Tajuura uu kor u qaadi karto ganacsiga gobolka iyo hagaajinta xidhiidhka kaabayaasha dhaqaalaha ee Itoobiya iyo Jabuuti.
Jabuuti ayaa ballan-qaadkan u sameysay Itoobiya, si gobolka aanu lugaha ula galin marxalad colaadeed,taas oo fursad hor leh siin karta ururada xagjirka ah.
Hase ahaatee Itoobiya ayaa u muuqata mid aanan indho u lahayn qorshaha Jabuuti, iyo ballanqaadka loo sameeyey, waxaana taa baddelkeeda ay weli u hanqal taageysaa helida qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Is-adkeynta Itoobiya ayaa sida la saadaalinayo gobolka u horseedi karta xaalad dagaal, xilli kal hore ay Soomaaliya heshiis la gaartay Masar, oo sida la ogyahay Itoobiya ay kala dhaxeyso khilaaf ku aaddan biyo xireenka ay Addis ka sameysay webiga Nile.