Milatariga Israa’iil ayaa shalay sheegay in ay dileen laba dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad kuwaas oo ku lug lahaa sida ay Israel sheegtay weerar ay dad ku dhinteen oo lagu qaaday bas marayey daanta galbeed horaantii bishan.
Sidoo kale Millatariga Israel ayaa sheegay in ciidankoodu ay Gaza ku dileen nin ay ku sheegeen in uu khatar ku ahaa ciidamadooda, xilli xabbad-joojinta Gaza ee Isra’il iyo Xamaas ay gashay maalinti shanaad.
Waa marki ugu horreysay tan iyo marki ay si rasmi ah xabad-joojinta u dhaqan gashay Axadii, oo ay ciidamada Israel sheegaan in ay Gaza ku toogteen qof Falastiini ah. Ma cadda in arrintani ay burrin doono xabbad joojinta iyo in kale.
Xabbad-joojinta ayaa dhigeysa in muddo lix todobaad gudahood ah ay Xamaas ku deyso boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Isra’il, halka Xamas ay sii deyneyso 33 ka mid ah la heystayaasha Israel.
Dhanka kale, ciidamada Israel ayaa wali ka wada magaalada Jeniin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed howlgal millatari oo ay ku beegsaneyso dadka Falastiiniyiinta. Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka oo socday labadi maalin ee lasoo dhaafay.