Xilli lagu wado in maalinta berito ah ay kulmaan Madaxweyne Trump iyo dhigiisa Putin ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay kulan dhanka foggaan-arag ku yeeshay dalalka ku jira isbahaysiga Coalition ee taageerra Ukraine oo ay hoggaamiyaan ; Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka , kuwaasoo wadaagay mowqifkooda dagaalka Ukraine ka hor inta uusan furmin kulanka Trump iyo Putin.
Kulanka kaddib isbaheysiga taageera Ukraine waxay soo bandhigeen mowqifkooda, iyagoo sheegay ; in Go’aan kasta oo laga gaarayo dagaalka inan lagu dhawaaqin illaa la ogeysiiyo Ukraine, waxana ay xuseen in Heshiis kasta ay ka horayso xabbad-joojin shuruud la’aan ah.
Dalalkan taageera Ukriane ayaa sidoo kale tibaaxay in ay aysan aqbali doonin in Ruushka uu qaato dhulka Ukraine, waxeyna Dalalkan sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay Ukraine u diraan ciidan xaqiijiya dhaqangelinta heshiis kasta oo xabbad joojin ah.
Dalalkan reer yurub ayaa cod adag ku sheegay in Ruushka uusan lahayn xuquuq uu kaga hor istaago Ukraine inay ku biirto Midowga Yurub iyo NATO.
Muuqaalka , fogaan araga wuxuu bidhaamiyey in ka qeybgalayaasha ay ka muuqatay hal dareen; weji adag culays iyo feejignaan ay ka muujinayaan waxyaabaha ay ku heshiin doonaan trump iyo Putin.
Madaxweynaha Ukraine , Zelensky oo hadlay kulanka fogaan araga kadib wuxuu yiri” Waxaan u sheegay Mdaxweynaha Mareykanka iyo Saaxiibada taageera Ukrine in Putin uu wado qalalaase, wuxuu doonayaa inuu cadaadis saaro dhamaan kuwa taageera Ukraine ka hor kulanka Alaska, ruushku wuxuu doonayaa inuu qabsado dhamaan dhulka Ukraine, dabcan taasi waa go’aan ay gaareen, waxaan rabaa inaad dhab ahaantii ogaataan in Putin uusan dooneyn nabad, keliya hadafkiisu waa gacan ku dhigida dhulka Ukraine,, marka waxaan soo jeedinayaa in caddaadis la saaro, si loo gaaro xabad joojin iyo nabad.
Trump, ayaa dhinaca kale ku hanjabay inuu Putin , cawaaqib culus la kulmi doono haddii kulanka uu Jimcaha la qaadanayo uusan oggolaan in dagaalka la joojiyo, xili uu ka jaawabayey su’aal uu weydiiyey weriye taa oo ku qotontay waxa dhacaya haddii Putin uu diido xabad joojinta.
Sidoo kale CNN, ayaa labo sarkaal oo Aqalka Cad ka tirsan ka soo xigatay in goobta uu ka dhacayo kulanka ay beri yeelanayaan Trump iyo Putin loo asteeyay inay noqoto saldhigga istaraatijiga ah ee ciidanka Mareykanka ee Joint Base Elmendorf–Richardson oo ku yaalla magaalada iingareej ee gobolka Alaska.
Dhanka kale 26 hoggaamiye oo ka tirsan Midowga Yurub, marka laga reebo Hungary, ayaa sheegay in Ukraine ay xor u tahay inay doorato mustaqbalkeeda, iyadoo wada-hadallo kasta la qaban karo oo keliya ka dib marka la gaaro xabbad-joojin, lana hubiyo in la ilaaliyo danaha amniga ee Ukraine iyo Yurub labadaba, tan oo ka soo horjeeda sida uu u doonayo Trump in lagu joojiyo dagaalka.
Geesta kale Ciidanka Ukraine ayaa horraantii shalay subax ku weerarray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dhuumaha shidaalka ee Druzhba, gobolka barayanisk ee galbeedka Ruushka, halkaa oo laga arkay dab weyn oo ay dhaliyeen qaraxyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn — saacadihii la soo dhaafay waxay Ukraine jogteysay weerarrada ay ku beegsnaayso xarumaha shidaalka ee Ruushka , waana tallaabo u muuqata inay Ukraine doonayso sidii ay uga caraysiin lahayd Ruushka , si uu u qaado weerarro jawaabo culus ah oo dhalin kara in la fashiliyo kulanka Trump iyo Putin, ay yeelanayaan Jimcaha beri ah , balse Ruushka ayaa muujinaya is xakameyn, lagu sugayo natiijada kulanka Jimcaha, oo ah mid indhaha lagu wada hayo.
Sidoo kale Wasaaradda difaaca iyo sirdoonka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday inay heleen qorshe ay Ukraine ku doonayso inay carqaladeyso maalinta uu furmayo wada-hadallada u dhaxeeya Putin iyo Trump , xilligaa oo la sheegay ciidanka Ukraine inay si kula talagal ah u duqeyn doonaan isbitaal ama goob dadweyne badan ay ku suganyihiin oo ku taal magaalada juugaaf ee gobolka Kharkov ee Ukraine , iyagoo markaa doonaya in weerarkaa dusha loo saaro inuu ka dambeeyay Ruushka , si looga careysiiyo Trump, mar horaba qorshaha ayaa bilowday oo Ukraine waxay si qarsoodi ah gobolka ugu daabulaysaa warbaahinta galbeedka oo la doonayo in dhacdadaa ay soo gudbiyaan, waxaa sidaa shalay baahiyay telefishinka dawladda Ruushka ee RT.
Dhinaca kale Ruushka , wuxuu howlgaliyay diyaarad fudud oo nooc aan duuliyaha lahayn ee dhaqdhaqaaqa la socota , awoodna u leh inay si xiriir ah hawada ugu jirto 20 maalmood , waana mid la doonayo inay dul joogto safka hore ee dagaalka.
Waqtigan Ruushka wuxuu diiradda saaraya qalab fudud oo qiimo jaban ku kacaya oo awood u leh shaqada loogu tagalay inay qabto,tiknoolajiyadii malaayiinta doollar ku baxey , taa oo mosocwa u fududeyneysa inay muddo dheer u adkaysto dagaallada, si ka duwan xulafada NATO ee dhaqaalaha badan uu dagaalka uga baxayo.
Sidoo kale Aqalka Ruushka ee Kremlin-ka ayaa xaqiijiyay inuu Putin — shalay telefoon ku wacay Kim Jong Un, isagoo warbixin ka siinaya kulanka Trump uu la qaadan doono Jimcaha , iyo qodobbada uu kala hadli doono.
Kim Jong Un, wuxuu si ballaaran u garab istaagay Putin, isagoo isugu daray hub iyo ciidan , si uu uga hortaggo in dagaalka Ukraine lagu jebiyo.
Si kastaba waxaa indhaha lagu wada hayaa kulanka berito dhexmari doona Trump iyo Putin, kaas oo la naawilayo in ay ka soo baxaan arrimo muhiim ah,iyo inuu albaab nabadeed u noqdo dalalka ukriane iyo Ruushka oo dagaalkoodu uu muddo sanado ah soo jiitamayey.