Addis Ababa waxey Somaliland iyo Itoobiya ku kala saxiixdeen is-afgarad (Momentum of Understanding), kaas oo ay Itoobiya ku tilmaantay mid taariikhi ah.
Is afgaradkan ayaa dhacay kadib kulan ay yeesheen Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waana mid fududeynaya in Itoobiya sidii damaceedu ahaa ay hesho Dekad ay isticmaasho.
Ma jirto wax muuqda oo ay Somaliland ku baddelatay heshiiskan, balse Muuse Biixi wuxuu addis ka sheegay in Itoobiya wixii hadda ka danbeysa ay Somaliland u aqoonsaneyso dal madax bannaan.
Heshiiskan ayaa ogolaanaya in Itoobiya ay hesho dhul badeed gaaraya 20km, taas oo wal wal hor leh ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed.
Arrintan waxaa aad uga carooday guud ahaa shacabka Soomaaliyeed, ilaa iyo iminkana dowladda dhexe wax war ah kama aysan soo saarin.