Xiisadda u dhexeysa Donald Trump iyo Iiraan ayaa sii xoogeysanaysa, kadib markii Maraykanku uu dhowaan qabsaday maraakiib ay Iiraan leedahay, ayadoo madaxweyne Trump uu dhowaan sheegay inay muddada cunaqabateynta iyo go’doominta dekedaha Iiraan kordhin doonaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ay si adag uga jawaabtay hadal uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka, ayadoo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei, uu sheegay in hadalkii Trump ee ku saabsanaa qabashada maraakiibta Iiraan oo uu ku tilmaamay burcad-badeednimo uusan ahayn qalad afka ka dhacay, balse uu yahay qirasho cad oo ku saabsan fal dambiyeed.
Trump ayaa Jimcihii sheegay ciidamada badda Mareykanka inay u dhaqmayaan sidii burcad-badeed,isagoo sharaxayay howlgal lagu qabtay markab iyo shixnad shidaal oo la xiriirta Iiraan.
“Waxaan la wareegnay markabka, xamuulka iyo shidaalkaba waa ganacsi faa’iido badan leh, waxaana nahay sidii burcad-badeed,” ayuu yiri Trump asagoo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay Florida.
Tehran ayaa arrintaas ku tilmaantay qirasho culus oo muujinaysa in tallaabooyinka Washington ee badda ka socda ay jebinayaan sharciga caalamiga ah.
Iiraan waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay diidaan caadiyeynta xadgudubyada sharciyada caalamiga ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo wada-hadallada xabbad-joojinta iyo furitaanka marin-biyoodka Hormuz ay weli socdaan, halka hadallada labada dhinac ay sare u qaadeen tallaabooyinka iyo cadaadiska uu mid midka kale ku hayo.
