Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda dalka, ayaa is weydiinaya, waqtiga uu qaadan karo wajiga labaad ee howl galka ka dhanka ah Al Shabaab oo iminka dalka ka billaabanaya.
Qeybaha bulshada ayaa ku kala aragti duwan muddada uu soconayo wajigan labaad, waxaana qaarkood ay sheegayaan inuu qaadan doono wax ka badan sanad, marka la eego baaxada dhulka la qorsheeyey in la xoreeyo
Dadka ka faalooda siyaasadda qeybtood, ayaa aaminsan, in wajiga labaad uu ka adkaan doono, kii ka horreeyey, sababo la xiriira Gobolada qaarkood oo ay Al Shabaab ku xooggan yihiin, sida Shabeellaha Hoose Iyo Jubooyinka.
Aragtidaasi waxaa mid ka duwan qaba quburo kale, kuwaas oo tilmaamaya in wajiga labaad uu ku soo gaba gaboobi doono muddo kooban, iyadoo tix galin la siinayo cududa iyo tirada ciidamada ka qeyb qaadanaya.
Qubaradan ayaa ku doodaya, in ay wax badan soo kordhin doonaan ciidamada dowladdaha dariska, oo wajiga labaad ee howlgalkan kaalin weyn ka qaadanaya.
Shalay waxaa Muqdisho ka baxay ciidamo fara badan, kuwaas oo qeyb ka noqonaya wajiga labaad ee howlgalka, oo iminka ka billaaban doono deegaanada ay Al Shabaab kaga sugan yihiin gobollada dhexe.
Ilaa iyo iminka si cad looma sheegi karo waqtiga uu rasmi ahaan idlaan doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al Shabaab, waxaase la rumeysan yahay inuu muddo jiitami doono, maaddaama ururku ay gacanta ku hayaan dhul aad u baaxad weyn.