Iiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay duqeymo xooggan ku weerartay Tel-aviv, waxaana duqeymaha ay geyteen khasaare kala duwan, iyagoo wal wal ku abuuray dadka Yahuuda ah
Sawirrada la qaaday saacado ka hor ayaa muujinaya burburka ka dhashay duqeymaha lagu hayo Magaalada Tel Aviv ee Israa’iil,sida muuqaaladu bidhaaminayaan balakoonno ka mid ah dhismayaal la deggan yahay ayaa go’ay, halka darbiyaduna ay jajab iyo dhagaxyo ku daadiyeen god weyn oo qaraxu sameeyay.
Mas’uuliyiintu Israa’iil ayaa sheegay inuu ahaa gantaal si toos ah uga yimid Iiraan oo ku dhacay goobta, waana weerar ka mid ah kuwa Iran ay isaga caabineyo duulaanka gardarada ah ee lagu soo qaaday.
Dhinaca kale Baxrayn ayaa la kulantay mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa ee dagaalkan ilaa hadda, kadib markii gantaal Iiraani ah lagu dhuftay saldhig milatari oo ku yaalla galbeedka jasiiradda.
Baxrayn ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday saldhigga Hamala uu ku dhintay qandaraasle milatari oo u shaqaynayay Imaaraadka Carabta ,muwaadin u dhashay Marooko, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan toban qof, afar ka mid ahna ay xaaladdoodu aad u liidato.
Dhammaan dadka dhaawacmay waa askar u dhashay Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, Sarkaal sare oo ka tirsan dalalka Khaliijka ayaa sheegay in weerarkani uu yahay “ mis xaaladda uga sii daraya”, Baxrayn waxay hoy u tahay ciidanka badda ee Maraykanka, gaar ahaan cutubka 5aad, balse saldhiggaas waa laga daadgureeyay ciidamada maalmo ka hor intii aanu dagaalku bilaaban, iyadoo maraakiibta laga saaray dekedda.
