Weerarkii militari ee wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran ayaa billowday 28-kii Febraayo, 2026, Bilowgii weerarka, diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka ee Israa’iil, sida F-15 Eagle, F-22 Raptor, iyo F-35 Lightning II, waxay weerar ku qaadeen goobo kala duwan oo ku yaalla gudaha Iran, iyagoo bambooyin ka tuuray hawada.
Isla mar ahaantaana, Maraykanka ayaa ku biiray howlgalka isagoo riday gantaallada riddada dheer ee Tomahawk cruise missiles iyo sidoo kale fulinta duqeymaha cirka, Sida ay sheegayaan wararka militariga Mareykanka ayaa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan isku diyaarinayay weeraro militari oo ka dhan ah Iran, Tani waa baaritaan uu sameeyay kanaalka BBC Sinhala, oo ku saabsan nooca hubka iyo awoodaha dagaal ee loo adeegsaday 48-kii saac ee ugu horreeyay weerarkii Mareykanka ee Iran
Hubka ay adeegsadeen
Markabka USS Abraham Lincoln ayaa la geeyay Bariga Dhexe shan toddobaad ka hor inta aanu Maraykanku bilaabin hawlgallada ka dhanka ah Iran, USS Abraham Lincoln waa markabkii shanaad ee Nimitz-dauuradaha qaada ee ciidamada badda ee Maraykanka. Waa markabkii saddexaad ee ciidamada badda ee Maraykanka oo loogu magacdaro madaxweynihii hore ee Maraykanka Abraham Lincoln, Markabkaan ku shaqeeya nukliyeerka ayaa waxaa saaran shaqaale gaaraya 5,600, waxaana uu qaadi karaa 90 diyaaradood.
Isla markaana, USS Gerald R. Ford, oo ah xambaara diyaaradaha ugu weyn ee Maraykanka, ayaa laga soo daabulay Kariibiyaanka ilaa Bariga Dhexe, Markabkan oo lagu magacaabo Madaxweynihii 38-aad ee Mareykanka ayaa qaadi kara 74 diyaaradood, waxaana la socda shaqaale gaaraya 4,600.
waxaa kale oo ay adeegsadeen Nidaamka Gantaalaha M-142, M-142 High-Power Artillery Rocket System’ waa nidaam gantaalaha door-badan leh oo loo sameeyay isticmaalka millatariga Mareykanka 2005tii, Ciidamada Maraykanka ayaa u adeegsaday habka gantaalada M-142 ee dagaalka Afgaanistaan, dagaalka Suuriya, dagaalka Ruushka ee Ukraine, iyo dagaalka ka socda Iran, Nidaamka gantaalaha, oo lagu qiimeeyay ku dhawaad US$20 milyan, waxaa si gaar ah u qaadi kara diyaaradaha xamuulka qaada ee C-17 Globemaster, C-5 Galaxy, iyo C-130 Hercules.
Sidoo kale waxey isticmaaleen Drone-ta MQ 9, Maraykanka ayaa Iran ku weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ 9 Reaper, kuwaas oo awood u leh inay sameeyaan ilaalo iyo weeraro,Diyaarada MQ 9 Reaper oo ah nooca Turboprop ee aan duuliyaha lahayn, ayaa Maraykanku u adeegsaday inuu ku dilo Taliyihii Ilaalada Kacaanka Iran Qasem Soleimani sanadkii 2020-kii, MQ 9A waa nooc ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ 9 Reaper oo leh adkaysi in ka badan 27 saacadood waxayna awood u leedahay inay ku shaqeyso meelaha sare ilaa 50,000 cagood,Waxa ay qaadi kartaa 1,746 kg oo gantaalaha weerarka ah.
Waxaa kale oo ay adeegsadeen Diyaaradaha dagaalka iyo kuwa sahanka hawada iyo sidoo kale Hannaanka difaaca hawada ee THAAD oo lagu daray Hannaanka difaaca hawada ee Patriot.
Hubkii ay isticmaaleen waxaa ku jira Bambaanooyinka riddada dheer ee B-2 iyo sidoo kale Bambada B-1 iyo Drone-ta loo yaqaan Lucas, waxeyna u muuqataa in Mareykanka uu dagaalka u isticmaalay dhamaan hubkiisii ugu xooganaa.
