Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.
Maxamed Amiir ayaa beddelaya Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xilka hayey tan iyo September 2022, waxaana waqtigan horyaalla howlo culus uu u baahan ka miro dhalin.
Madaxweynaha ayaa digreetadii uu ku magacaabayey ku faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda.
Howsha ugu weyn ee waqtigan hortaalla Gudoomiyaha cusub ayaa ah, hirgalinta doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda magaalada caasimada ee Muqdisho, taas oo uu Xasan Sheekh ku aamini waayey Madaalle.
Ninkan ayey sidoo kale masuuliyad ka saaran tahay xal u helida cabashada shacabka Muqdisho, gaar ahaan darawalada gaadiidka iyo kuwa moota Bajaajta oo dhamidood ka cabanaya wado xumo.
Si kastaba Gudoomiyaha Cusub ayaa laga rajeynayaa inuu la yimaado is-baddel la taaban karo, iyo qorshe shaqo, kaas oo haddii uu la soo ban baxo keeni karta inuu kasbado quluubta dadka Caasimada ku nool.