Howllo aad u culus ayaa horyaalla guddiga uu Ra’iisul wasaaruhu u magacaabay soo celinta hantida dowladda, oo waqtigan ku jirta gacanta dadka rayidka.
Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka, ayaa ka kooban 8 xubnood, kuwaas oo badankood ka yimid gollaha wasiirrada.
Howsha ugu culus ee hortaalla ayaa ah tirkoobka dhulka ay dowladdu leedahay, maaddaana dhulalka qaar ay sheeganayaan dad rayid ah ah, oo u sameystay sharciyo been abuur ah.l
Waxaa gacanta dowladda ka maqan dhul aad u fara badan, kuwaas oo iminka ay degan yihiin dad shacab ah, halka dhul kalana qaab xoog ah loo heysto.
Dowladda ayaa ku talla jirta in dhulkaasi loogu adeego shacabka, waana tallaabo adag in la fuliyo, maddaama la rumeysan yahay in ay hubeysan yihiin dadka dhulkaasi gacanta ku haya qaarkood.