Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in heshiisyo dhaqaale oo qiimahooda gaareen ugu yaraan $1.2 tiriliyan oo doolar, xilli ay kulamo yeesheen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ay
Heshiisyadan waxaa ka mid ah is-afgaradyo ganacsi oo gaaraya $243.5 bilyan, kuwaas oo ay ku jiraan iibka diyaaradaha Boeing ee Qatar Airways, heshiisyo ku saabsan hubka, iyo kuwo la xiriira tamarta dabiiciga ah iyo teknoolojiyadda quantum-ka.
Sidoo kale, labada dal waxay kala saxiixdeen is afgarad tilmaamaya maalgelin ka badan $38 bilyan, taas oo ay qeyb ka tahay taageerada saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Udeid, iyo qorsheyaal mustaqbalka ah oo ku aaddan awoodda difaaca cirka iyo ammaanka badda.
Aqalka Cad wuxuu sheegay in heshiisyadani ay xoojinayaan iskaashiga istaraatijiyadeed ee labada dal, isla markaana ay dhiirrigelinayaan kobaca dhaqaalaha iyo amniga gobolka.