Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) iyo Machadka Raoul Wallenberg ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Bani’aadannimada (RWI) ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxeexday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu taageerayo dhismaha iyo xoojinta aasaaska Guddiga, si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ah ee Paris.
Heshiiskan ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta hay’adda, dhismaha nidaamyada maamulka, kobcinta awoodaha shaqaalaha, is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dhiso guddi madax-bannaan, lagu kalsoonaan karo isla markaana wax-ku-ool ah.
Heshiiska waxaa kala saxeexday Guddoomiyaha GMXIQ Dr. Maryan Qasim iyo Agaasimaha Fulinta ee Machadka RWI Peter Lundberg, intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin sare oo labada dhinac ka socday, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa xusay in heshiiskan uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta hay’adaha ilaalinta caddaaladda iyo sharciga ee Soomaaliya.
