Ku milanka Al Shabaab ay dhex galeen Ciidamada Dowladda, ayaa xilligan maraysa heerkii ugu sareeyey, waxaana xubnaha AL Shabaab ee ku jira ciidamada dowladda ay noqdeen, kuwa waqtigan majaxaabinaya dadaalada gulufka ka dhanka kooxdaasi, iyagoo beegsanaya saraakiisha laf dhabarta u ah halganka, xilli aanay ku baraarugsaneyn dowladda iyo saraakiisha ugu sareysa dowladda.
Labo casho ka hor waxaa Shabeelaha hoose lagu dilay gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow Nuur Fareey oo ahaa taliyihii guutada 14 -october, waxaana dilkiisa oo ahaa mid qorsheysan geystay nin ka mid ah ciidamadiisa oo hore uga soo goostay AL Shabaab, iminkana si qarsoodi ah ua shaqeynayey kooxdaasi.
Nuur Fareey ayaa ahaa sarkaal fir fircoon, iyo nin ay ka go’an tahay cirib tirka Kooxaha Argagixisada, wuxuuna guulo badan ka soo hoyey dagaaladii uu Al Shabaab kula galay Shabeelaha Hoose, oo ah halka ay howlgasho guutada uu taliyaha u ahaa.
Dilkiisa ayanan weli helin baaritaan rasmi ah, waxaana dhowr jeer uu saraakiisha ka sareysa la wadaagay in ciidamada lagu soo darayo guutadiisa iyo kuwo ku jiraba la hubiyo, wuxuuna marar kala duwan muujiyey tuhuno uu ka qabo in ciidamada uu maamulo qaarkood ay yihin xubno Shabaab ah.
Shakigaasi oo aan wax masuuliyad ah aysan iska saarin saraakiishii ka sareysay ayaa soo de-dejisay geeridiisa, maddaama uu ahaa nin aragti dheer oo heli og dhagar walba oo aragixisada ay ku naafeyn karto dagaalka dalka looga ciribtirayo.
Haddaba hab ceynkee ah ayey Al Shabaab-ku ciidamada ugu dhex darsadaan kuwo dowladda?
Sida la ogyahay Gudaha dalka, waxaa si joogto ah loo qoraa dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo ku biiraya Ciidamada xoogga dalka, waxaase soo if-baxaya in ciidamadaasi ay ku jiraan xubno daacad u ah Al Shabaab oo ku milan ciidamada intiisa kale.
Si loo fashiliyo yoolka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ay kooxdu billawday bilihi u danbeeyey in dagaalyahanadooda ay u soo diraan gudaha Muqdisho, si ay uga mid noqdaan dhallinyarada ay dowladdu u qoraneyso ciidamada.
Sida ay sheegayaan xogaha ay heshay Hortabin Media , Al Shabaab waxa ay Muqdisho usoo dirtay bilihii ugu horreeyey labadii sano ee la oo dhaafay, dagaalyahano iyaga ka tirsanaa kuwaas oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 1,500 – wallow tiradu ay intaas ka badan karto, misana raggan ayaa ku biiray ciidamo la qorayey oo isugu jira Milatari iyo Boolis, waxaana jira tiro kooban oo Nabad Sugida ku qarsoon,
Xubnahan Al Shabaab ay ku dhex qarisay Ciidamada Dowladda, waa kuwo koox koox isku waji yaqaanna, waxeynu Al Shabaab ka ilaalisay in ay is bartaan in ka badan 10 qof, taas oo oo hor istaagi karta in haddii shaqsi la qabto, uu fashiliyo dhamaan xubnaha Al Shabaab ee ku jira ciidamada Dowladda.
Dilka Nuur ka hor bishii February 2023 dabayaaqadeeda waxaa gacanta lagu dhigay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada danab, kaas oo baaritaan la sameeyey lagu oggaaday inuu kaalin weyn ku lahaa weerarkii lagu qaaday 20-kii Janaayo ee sanadkaasi, saladhigii Galcad, halkaas oo lagu dilay saraakiil uu ka mid yahay, taliye ku-xigeenkii guutada Danab ee ciidamada xoogga dalka Xasan Maxamed Cusmaan oo loo yaqaanay (Xasan Tuur).
Mareykanka oo gacanta ku hayey tababarko iyo qalabeynta guutadan ka tirsan ciidamada dowladda, ayaa baaritaan dhab ah ku sameeyey kiiskan iyo sababaha waqtigaasi ku soo beegay weerarka, wuxuuna taleefanada ciidamadii goobta joogay ku xiray qalab uu ku oggaan karo dadka ay xiriirka la sameynayaan, waana tan keentay in sarkaalkan gacanta lagu soo dhigo,
Sarkaalkii xiligaaasi la qabtay oo ahaa labo xidigle ayaa lagu magacaabaa Mucaawiye Axmed Cismaan ,waxana dhawaan maxkamadda ciiamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah, waxanaa sida xoguhu ay tilmaamayaan uu fashiliyey xubno kale oo ay Al Shabaab iskala tirsan yihiin, oo tiradooda lagu sheegay 7-qof, oo kala jooga saldhigyo kala duwan, kuwaas oo la soo qabtay ahna kuwo xukun sugayaal ah.
Waxaa tiro aad u badan ku sii siqaya saraakiisha iyo ciidamada lagu qaarajinayo shirqoolada ay dhigayaan xubnahan Al Shabaabka ah ee ku dhex milan ciidamada dowladda, iyadoo aanay muuqan dadaal iyo xogo sirdoon oo ay dowladda adeegsaneyso si ay ragan uga soo dhex saarto ciidamada halganka uu ka go’an yahay.
Maxey yihiin Fursadaha ragan Shababka ah u samaaxaya in ay howlgala jilaafeeyaan?
Mida koowaad ayaa ah Adeegsiga taleefanada gacanta iyo Internet-ka oo ciidamada furimaha ku jira awood loo siiyey, waa tan kordhisay weerarada rogaal celiska ee ka imaanaya Al Shabaab, Maaddaama ay fariimo ka helayaan kuwa ugu dhex jira Ciidamada Dowladda.
Tan iyo bilawgii sanadkii hore keliya, Al Shabaab waxey dib u soo weerareen lix goobood oo laga qabsaday, waxaana weerarkoda uu ku soo aaddayey xilli ay kala daadsanaayeen ciidamada, taas oo dhalisay khasaaare baaxad leh oo soo gaaray ciidamadii saldhigyadaasi ku sugnaa.
Weeraradii ay Al Shabaabku ku soo qaadeen Saldhigyadii ku yaallay, Janaay Cabdalla, Galcad, Ruun-nirgood, Hilowle Gaab iyo Bud Bud, waxey ahaayeen kuwii ugu halista badnaa ee ay soo hoggaamiyaan xubnahan Al Shabaab daacada u ah ee ku qarsan ciidamada Dowladda.
Qubarada ku xeeldheer amniga ayaa soo jeedinaya, in dowladda Soomaaliya iyo dowladdaha taageera, ee qoraya ciidamada, in ay xaqiijiyaan kalsoonida dhallinayrada ay ciidamada u qorayaan, waxaana lagama maarman ah in ahmiyad la siiyo raadinta xogaha kuwa la qorayo, lana helo taleefanada eheladooda, si wax badan looga oggaado heerarkii noloshooda iyo dadkii ay la macaamileen.