Haweenka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 20 sano gucla orad ugu jiray raadinta qoondada siyaasadeed ee boqolkiiba sodonka ah. taas oo ay weli ku howlan yihiin.
Haweenka qaarkood ayaanan rajo badan ka qabin helida qoondadaasi, maaddaama ay caqabado kala kulmayaan ragga, oo aan hablaha la rabin in ay door muuqda ku yeeshaan siyaasadda.
Dumarka Soomaaliyeed ayey sidoo kale caqabad uga imaaneysa dhanka beelaha ay ku abtirsadaan, kuwaas oo dooneynin in ay beeshoodu matasho gabar.
Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasada kal hore ka dhameysay in haweenka la siiyo boqolkiiba 30, hase ahaatee heshiiskaasi oo la aqbalay ilaa iyo iminka ma hirgalin, mana helaan haweenka saamigaasi siyaasadeed ee loo qoondeeyey.
Inkastoo haweenku doorashadii dhawaan dalka ka dhacday ay ku hungoobeen in ay ka helaan qoondadooda siyaasadeed, balse waa kuwo naawilaya in ay mustaqbalka door fiican ku yeeshaan siyaasadda Soomaaliya.
Sanadkan markii ugu horreysay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sacdiyo Xaaji Yaasiin ayaa ka mid noqotay madaxda hay’adaha ugu sareeya dalka, waxaana loo doortay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee gollaha shacabka, kadib tartan ay u gashay.