Haween ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay soo fara geliyey muran badan oo mudoonyinkii ugu danbeeyey ka taagnaa Guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay Xukuumadda Soomaaliya soo jeedisay in ay ku shaqeyso Wasaaradda arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul insaanka, balse ay ka biyo diideen ururka haweenka qaranka oo iyagu halkaasi ku shaqeeya.
Haweenka ka tirsan bulshada rayidka ayaa ku taliyey in dowladda Soomaaliya looga danbeeyo arrimaha ku saabsan guriga hooyooyinka iyo cida masuuliyadeeda lagu wareejinayo sida tilmaantay Maryan taqal Xuseen.
Sidoo kale Hinda Axmed oo qeyb ka ah Haweenka Bulshada Rayidka ayaa raalli gelin ka bixisay hadalo xanaf leh oo ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka, waxana ay tibaaxday in haweenku ay u taagan yihiin dowlad dhiska.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Ururka haweenka qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ka hadashay sida ay u aragto go’aanka ay soo jeediyeen haweenka bulshada rayidka ayaa ayaa tilmaantay in haweenkaasi ay ka hadleen aragtidooda, waxeyna xustay in dowladda Soomaaliya ay ku kaceyso arrin aan qurux badneyn, iyadoo dowladda ugu baaqday in ay qorshahan ka baaqsato.
Batuulo Gaballe ayaa dhanka kale sheegtay in Ururka Haweenka Qaranka aanu hoos tagin dowladda Soomaaliya, taa baddelkeedana uu yahay urur madax bannaan, oo iskiis u taagan, isla markaana dhaqaalle ahaan isagu is bixiya, bulshadana ugu adeego si mutadawacnimo ah.
Hadalada iyo talo so jeedinta Haweenka Bulshada Rayidka ayaa imaneysa, xili mudooyinki ugu danbeeyey uu muran badan ka taagnaa gacan ku heynta Guriga Hooyooyinka iyo cida ku shaqeyneysa, taas oo ilaa iyo iminka aan xal laga gaarin.