(Hortabin Media) Waxa weli socda gulufka wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, kaas oo la filayo inuu xoggiisu waqtigan ka billawdo gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Ciidamada dowladda ayaa wixii ka danbeeyey weerarkii Coosweyne ee bishii hore faarujiyey fariisimo dhowr ah, waxase la filayaa in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo baxeen.
Madaxweynaha oo safaro ku kala bixiyey Dhuusamareeb, Maxaas iyo Aaden Yabaal, ayaa wax weyn ku kordhiyey yoolkii dagaalka, isagoo kulamo kala duwan la soo qaatay saraakiisha hor boodeysa gulufkaasi.
Waxaa iminka la dejinayaa qorshihii ugu danbeeyey ee ay ciidamadu kaga taqalusi lahaayeen Al Shabaabka ku harsan gobollada dhexe, waxaana la calaamadeeyey deegaanno muhiim u ah kooxda, oo ay iminka ka soo qaadaan weeraro.
Waxaa kale oo qorshaha dagaalka xoojinaya in dib dowladdu ay heshiis ula gashay gudoomiyihii hore ee Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaas oo isna wada dadaal uu ku abaabulaya ciidamada macawiisleyda ee Hiiraan.
Iskaashiga ciidamada dowladda iyo kuwo macawiisleyda ayaa la filayaa in door weyn ka qaataay gulufka lagu wado inuu iminka billawdo, waana qorshe gebo-gebo u ah Al Shabaabka ku dhuumaaleysanaya gobollada dhexe, sida ay qabaan qubarada qaar.
WQ: Ayaanle Qoyste