Waxaa sacaadihii la soo dhaafay Koomiishanka doorashooyinka Somaliland ay shahaadooyinka musharaxnimo siiyaan xubnaha u taagan qabashada xilka ugu sareeya ee Somaliland.
Shahaadada waxaa qaatay seddex musharax oo ka kala socda seddexda xisbi ee waqtigan doorashada ku loolamaya, kuwaas oo kala ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka sharaxan xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxan xisbiga UCID, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Hargeysa.
Seddexdan xisbi iyo sidoo klae ururada kala ah Kaah, Hilaac, Barwaaqo, Rajo, Talo Wadaag, Shacabka iyo Horseed ayaa loo ogolaaday in ay ka qaybgalaan doorashada, sida lagu shaaciyey munaasabada.
Doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland ayaa dhici doona 13 -ibsha November, waxaana iminka billaabanaya diyaar-garowga doorashada oo ah mid lagala kulmi doono loolan aad u xooggan.
Muuse Biixi Cabdi ayaa indhaweydba ka meer meerayey qabashada Doorashada Somaliland, balse tallaabada ayaa u muuqata mid hore loo qaaday oo maamulkaasi ka baajin karta inuu cagaha la galo xasilooni darro ka dhalata arrimaha doorashooyinka.