Waxaa cuuryaamay dagaalkii lagula jiray kooxda Al Shabaab, kaas oo ilaa maanta ka dhaqaaqi la’ halkii uu joogay muddo 6-bilood ka hor.
Dagaalka oo ku billawday dar dar, ayaa xilligan laga dareemayaa habacsanaan, waxaana arrintaasi loo sababeynayaa arrimo dhowr ah.
Tan ugu horeysa ayey qubaradu ku tilmaameen, qorshe la’aan dhanka dowladda ah, taas oo ilaa iminka aanan dejin qorshe rasmi ah, oo looga guuleysan karo Al Shabaab, waana sababta keeneysa habacsanaanta jirta.
Waxaa kale oo iyadana howlgalka saameysay is baddelada badan ee lagu sameynayo saraakiishii dagaalka hoggaamineysay, taas oo hoos u dhigtay dar dartii uu dagaalka ku socday, sababo la xiriirta kalsooni yarri hareysay saraakiisha ku sugan furimaha hore.
Si kastaba waxaa iyana fashilmay qorshihii ahaa in dagaalka uu ka billawdo maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, waxaana muuqata in ay yar tahay ama aanay jirin wada shaqeynta saraakiisha dowladda iyo kuwo maamullada, oo ilaa iminka aanan mideynin cududooda.