Tirinta codadka doorashadii Arbacadii ka dhacday Somaliland ayaa weli socota, iyadoo dadweynuhu ay u dhag taagayaan natiijada rasmiga ah ee laga sugayo Guddida Doorashooyinka.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse xasan Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan degmooyin aaney weli tirinta codadka ka bilaaban sababo la xiriira sanaadiiqda laga soo celinayay goobaha codka laga dhiibtay oo meelaha qaar dib u dhacay.
Sidoo kale dadka sida dhaw ula socda doorashada ayaa sheegaya in codadka la tiriyey ilaa iyo iminka uu ku horeeyo Xisbiga Wadajir oo %65 helay codadkii la dhiibtay, inkastoo aan laga hordhici karin.
Natiijada doorashada ayaa laga yaabaa in ay dib u dhacdo sababo la xiriira geerida Madaxweynihii hore ee Siilaanyo, kaas oo xalay geeriyooday, waxaana lagu mashquulsan yahay maamuuska aaskiisa.
Si kastaba doorashooyinka isku sidkan ee sanadkan ka dhacay Somaliland ayaa ahaa kuwo xiiso leh, waxaana si weyn looga dhursugayaa natiijada, iyadoo inta badan dadku ay daneynayaan in isbadel yimaado, oo uu Muuse faarujiyo xafiiska, walow ay jiraan taageerayaal kooban oo taabacsan xisbigiisa Kulmiye.