Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliuya,waxaana kulanka shir Gudoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa la Kulanka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo go’aaminta Jadwalka Habraaca diyaarinta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax sheekh Cabduqaadir ayaa Guddiga Warbixin Guud ka siiyay howlaha baaxada leh ee horyaala Wasaaradda, waxyaabihii u qabsoomay iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan,waxaana uu wasiirka si gaar ah xubnaha guddiga faahfaahin uga siiyay Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka, Guddiga tacliinta sare ee dalka iyo sidoo kale habraacyada ay ku imaanayaa xubnaha Guddiga Tacliinta Sare.
Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa u mahdcelisay xubnaha ka socday wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare,waxaana ay sheegtay in ay guda doonaan diyaarinta Akrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.