Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA)
Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin:
Qodobka 1-aad
Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA)
- Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA).
- Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA).
- Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah.
Qodobka 2-aad
Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta
Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.
.
Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar.
Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.
Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.
Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.