Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu fadhi degdeg ah ka yeesho xiisadda ka dhalatay go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu todobaadkaan sheegay ee ah in Magaalada Gaza la wareegayaan kana barakicinayaan Dadka degen.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa loo gudbiyay soo jeedin ama mooshin degdeg ah si Donald Trump looga hor istaago damiciisa sababi kar xaalad ka adag tan haatan ka taagan Magaalada Gaza oo dhiig badan uu ku daatay.
Dalalka Carabta iyo kuwo kale ayaa si toos ah uga hor yimid tallaabadaan, waxaa kale oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay fadhiga ka kiciyay go’aanka adag uu Trump ku wajahay Maxkamadda u qaabilsan dambiyada ee ICC oo horay waaran u jartay Netanyahu.
Todobaadkaan oo idil waxaa taagnaa buuq xooggan oo ka dhashay arrintaan, markii hore Trump waxa uu jaray kaalmada Dowladdiisa ay ku bixiso dhinaca Dibadda marka laga reebo Israa’iil, waxaa kale oo joojiyay taakuladii uga baxaysay Hay’adda Caafimaadka WHO.