Shir saacado badan qaatay oo ay Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada beelaha Hawiye, isna markaana daba jooga canshuuraha lagu kordhiyey ganacsatada Muqdisho ayaa ka dhacay Caasimadda.
Dhinacyada ayaa isla soo qaaday culeysyada ay waqtigan wehelka u noqdeen ganacsatada Muqdisho, waxaana laga soo saaray go’aamada hoos ku xusan.
- Waxaa la doortay guddi qabaqaabo Shirweyne Hawiye si Hawiye uu isaga badbaadiyo, ummadda soomaaliyeedna ugu badbaadiyo ,isagana bari yeelo khatarta jirta iyo in magaca dowladeed lagu geysanayo ku tagrifal awoodeed taas oo uu masuuliyadda koowaad leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Shiikh Maxamuud maadaama iyagu ay leeyihiin gacan qabashadiisa oo u uku abirsado, badankoodna ay lahaayeen sababta guushiisa .
- In xal loo helo cabashada xarka goostsya ee Ganacsatada Soomaaliyeed oo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa ka haysta dhiigmiirad aan u naxaynin taas oo ay u dheer tahay codowga Khawaarijta oo amarro naf lacaarinimo ay ka muuqato dul dhigay.
- In Gogosha la balaariyo oo lagu casuumo dhamaan wax garadka qabaa’ilka Soomaaliyeed ,sabatoo ah hab dhaqanka rajiimka talada haya maahan mid u adeegaya danta guud ee Shacabka ,midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.
- In Siyaasiyiinta dalka loogu baaqo in ay u I staagaan ka qeyb qaadashada toosinta dowladnimada si aan dalka uga dhicin haadaan aan laga soo saari karo iyo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dalal leh maslaxadooda gaarka ah.